Soomaaliya oo Jabuuti Kaga Qeybgalaysa Shir Lagaga Hadlayo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada

0
168

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti halkaa oo uu kaga qeyb geli doono shir looga hadlayo Isbeddelka cimillada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dalka ugu nugul waddamada Geeska Afrika ee haatan la ildaran waxyeellada abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii xilka loo doortay bishii May ee sanadkan sheegay in uu xil weyn iska saari doono wax ka qabashada xaaladda abaareed ee dalka ka taagan.

Abaaraha dabada dheeraaday ee ka jira Soomaaliya ayaa loo sababeynayaa isbeddelka cimillada, burburka kaabayaasha dhaqaale iyo nuglaanta hey’adaha dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay baaqyo isdabajoog ah u direysay hay’adaha caalamiga ah iyo dadka Soomaaliyeed ee daafaha dunida ku kala nool iyadoo ka codsanaysay in ay gacan ka geystaan gurmadka loo fidinayo dhibbaayaasha ay abaaruhu saameeyeen.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in abaartu ay weli fara-ba’an ku hayso Soomaaliya, iyadoo in ka badan 8 milyan oo qof ay kaalmo bani’aadanimo u baahanyihiin.