Soomaaliya iyo Masar oo ku heshiiyey iskaashi istiraatiiji ah.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Dr. Badr Abdel Aty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiiji. Labada dhinac ayaa sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025.