Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadka ku nool Deegaanka Dhoobley ayaa waxa ay sanadakan soomayaan iyado ay san jirin jirin Cabsidii iyo Walwalkii laga qabay caabuqa Covid-19 balse hada waxa kuso kordhay sicir barar ku yimid maciishada iyo dhaqalaha oo an wanagsanayn.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa hada inta badan hal meel kuwada afura maadaama ay meesha ka baxday kala fogaanshihii u keenay xanuunka Corona Virus sido kale salaadaha ay ah kuwa si jamac ah loo tukado iyadoona ayna jirn wax kala fogaansha ah.
Qaar kamid ah Bulshada Deegaanka Dhoobley ayaa shegay in Sanadkan ay soomayaan iyadoo ayna jirin Cabsidii iyo Walwalkii laga qabay xanuunka Covid-19.
Soonku waa cibbaado bulshada Muslimiinta ah u horseeda degganaansho iyo Alle u dhawaansho sidoo kale dadka waxay dareemaan caafimaad maadama uu qofku Soomanyahay maalintii oo dhan.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa