Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ayadoo dagaalka ka socda dalka Sudan ee u dhaxeya milateriga iyo xoogagga Dacmu Sariic uu sii socdo ayaa Soomaali qaxooti ku ah bariga Sudan waxay doonayaan in dal seddexaad loo qaado.
Maxamed Muuse oo dadkaas ka mid ah wuxuu BBC u sheegay in ay halkaa ku joogaan 152 qoys oo qaxooti ah.
“Cunnada iyo biyaha waa gabaabsi. Dadka hadday usbuuc kale sii joogaan macaluul ayey qarka u saran yihiin” ayuu yiri Maxamed.
Xaliimo Aadan Cumar oo iyada halkaa joogtay muddo 5 sano ah waxay BBC u sheegtay in dagaalka markii uu dhacay ka dib uu qiimaha maciishadda kor u kacay.
“Annaga xabbadaha nama soo gaarayaan oo webi ayaa nagu hareereysan, laakin waan go’doonsannahay. Cid kastoo wax noo qaban karaysa waxaan ka codsanaynaa inay noo soo gurmadaan. Dhanka caafimaadka, isbitaallo ma jiraan. Goobo caaafimaad ayaa jiray, kuwiina waa la xiray markii uu dagaalku billowday” ayey tiri Xaliimo oo iyadana BBC la hadashay.
Qaxootigaas waxay sheegeen in 7 sano ay degganaayeen Shagarab oo qiyaastii 550 KM dhanka bariga ka xigta magaalada caasimadda ah ee Khartuum.
Dadkaas qaxootiga ah waxay BBC u sheegeen in dadka kale ee qaxootiga ahaa ay u cararayaan dalal kale, iyaguna ay doonayaan in loo qaado dal kale ‘oo aan Soomaaliya ahayn’, sida ay ku xuseen qoraal ay BBC soo gaarsiiyeen
Xeradaas waxay wararku sheegayaan inay u badan yihiin dad Eritrea ka soo jeeda, laakinse waxaa Soomaalida kula nool qaxooti ka yimid dalal kale oo ay ka mid yihiin Yemen, Ethiopia iyo Jabuuti.
Dagaalka Sudan waxaa ku barakacay ilaa 330,000 oo gudaha dalka ku barakacay, iyo ilaa 100,000 oo dibadda uga cararay dalka sida laga soo xigtay UNHCR, waxaana sii kordhaysa tirada ka baxsanaysa caasimadda iyo magaalada mataanaha la ah ee Um-Durman.
Marka laga yimaado khasaaraha labada dhinac, ururka dhakhaatiirta Sudan wuxuu sheegay in ilaa hadda la ogyahay inay 457 qof oo rayid ah ku dhinteen dagaalka, in ka badan 2,300 oo qofna ay ku dhaawacmeen muddadii seddexda todobaad ahayd ee dagaalku socday.