Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Tottenham ee Son Heung-min ayaa ku guuleystay abaal-marinta KFA xiddiga sanadka 2020 ee KFA Player of the Year for 2020.
Kabtanka kubbada cagta qaranka wiilasha ee South Korea, Son Heung-min ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka 2020 ee ugu fiican waddankiisa markiisii shanaad.
Xiriirka Kubadda Cagta Kuuriya (KFA) ee The Korea Football Association ayaa maanta ku dhawaaqay in Son oo ah laacibka weerarka ee kooxda Tottenham Hotspur loo doortay inuu noqdo ciyaaryahanka Sanadka 2020 ee South Korea.