SoDMA iyo Hay’adda Qatar Charity oo kala saxiixday heshiis.

0
82
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu heshiis istiraatiiji ah kula saxiixday Guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity Xafiiskeda Soomaaliya Md. Cabdifitaax Aadan Macallin.
U jeedka heshiiskaan ayaa ah in laga wada shaqeeyo ka soo kabashada dhibaatooyinkii ka dhashay musiibooyinka, u adkaysiga aafooyinka, xoojinta gargaarka bini’aadamnimo, tayeynta awoodaha shaqaalaha hay’adda SoDMA iyo in laga tageero helista keydad gargaar oo ay hay’adda ka dhisanayso dowlad goboleedyada.
Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad.ayaa kawarmaya