Ciyaartan ayaa loo isticmaali doonaa kaamirooyin cusub, iyadoo muuqaallada laga duubi doono dhinacyo aan hore loo arag oo laga tusi doono taageereyaasha, iyadoo muuqaalku uu ka qurux badnaan doono sidii hore oo jamaahiirta ka daawanaya shaashaduhu ay muuqaallo qurux badan heli doonaan.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic, isbeddelkan cusub ayaa loo doortay ugu weyn usbuucan, waxaana lagu magacaabi doonaa ‘Game Mode’.
Kaamirooyinkan cusub ayaa waxa la sheegay in ay la socon doonaan garoonka dhinac illaa dhinaca kale, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa dareenka taageereyaasha iyadoo lasoo gudbin doono in ay la socdaan ciyaarta iyo haddii qaarkood ay waxyaabo kale ku mashquulsan yihiin.
Phil Marshall oo ah agaasimaha qaybta waxsoosaarka Sky Sports ayaa sheegay in muhiimaddu tahay in dareenka dhabta ah ee taageereyaasha lasoo bandhigo, isla markaana aanay jirin wax ay ka walwalaan, balse kaliya loo arko farsamooyin cusub oo xiise u yeelaya daawadeyaasha.