Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa qirtay inay aad ugu farxeen guushii waqtiga dambe ay ka gaadheen Nottingham Forest oo afartii daqiiqadood ee ugu horreeyey kaga naxsatay laba gool, taas oo keentay in Red Devils ay ku dhibaatooto sidii ay uga daba iman lahayd.
Taiwo Awoniyi ayaa shabaqa Manchester United soo taabtay markii ay ciyaartu laba daqiiqadood socotay, mid labaadna waxa raaciyey Willy Boly oo madax ku qabtay kubbad laad xor ahayd oo dhinaca bidix laga soo tuuray.
Christian Eriksen ayaa hal gool u keenay Red Devils ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaana laba gool oo kale qaybta labaad qaybsaday Casemiro iyo Bruno Fernandes.
Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes oo warbaahinta la hadlay ayaa sharraxay sirta ka dambaysay in kooxdiisu ay guusha soo laabashada ah gaadho, waxaana uu yidhi: “Ciyaarta si fiican kuma aanaan bilaabanin, laakiin waxa aanu ilaashanay in aanu kubadda maamulno, wax walbana way noo hagaageen.
“Iyagu si fiican ayay isku difaacayeen, wayna adkayd in difaacooda la jabiyo laakiin natiijada ayaa ah waxa ugu muhiimsan. Waxa aanu ogeyn in aanu u baahanahay waqti si aanu xaaladda u bedelno, waananu is-dejinay. Waxa aanu bilownay in iyadoo ay kalsooni nagu jirto aanu kubadda kasoo dhisno difaaca, kaddibna u dheelno sida aanu doonayno. Waxa aanu abuurnay fursado badan qaybta hore, marar badanna waanu tooganay goolka. Markaa, bandhiggayagu wuu fiicnaa marka laga yimaaddo afartii daqiiqadood ee ugu horreeyey.”
Bruno Fernandes oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Waxa aanu ognahay waxa la naga doonayo haddii aanu nahay ciyaartoyda Manchester United. Waxa aanu ognahay waxa uu shaadhkani naga dalbanayo, diyaarna waanu u nahay. Kooxdu waxay muujisay niyad-wanaagsan jacayl iyo donis. Waase in aanu ogaano in aanay ahayn in goolal waqti hore la naga dhaliyo.”