Sidee Looga Ciiday Magaalada Kismaayo Munaasabada Ciidul Adxaa

0
208

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabadda farxadda leh ee ciidul Adxaa ayaa maanta si weyn looga dabaaldegay guud ahaan dalka dalka, magaalada Kismaayo subaxnimadii hore ee saaka ayaa jawiga magaalada wuxuu ku waaberiistay tagbiirta ciidda ee ka baxaysay masaajidyada.

Ilaa 10 goobood oo isugu jira masaajidyo iyo fagaareyaal waa weyn ayey wasaaradda Caddaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha diinta Jubbaland u asteysayin lagu tukada salaada ciidda.

Garoonka kubadda cagta ee Waamo iyo Masjidka weyn ee Maxfalka ayaa kamid ah goobaha lagu tukaday salaadda ee ay dadka badan isugu yimaadeen.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud iyo masuuliyiin katirsan goleyaasha Dowladda oo uu hormuud u ahaa ayaa dadweynaha kula tukaday garoonka Waamo.

Dadka ayaa isugu hambalyeynaayey farxadda ciidda, waxaana wejiyadooda ka muuqatay farxad aan lasoo koobi karin, salaadda kadibna dadka oo koox koox u socda ayaa lagu arkaayey waddooyinka iyo xaafadaha magaalada Kismaayo.

Ciiddaan oo kusoo aaday xilli Barwaaqo ah ayaa looga dabaaldegay guud ahaan deegaanada, degmooyinka iyo gobolada dalkeenna Soomaaliya.