Sidee ayay u muuqanaysaa SHAXDA ay Kooxda Arsenal ku soo geli doonto kulanka London Derby ee ay wajahayaan Chelsea?

0
263

20-sano jirkaan ayaa goolkiisii ugu horreeyey Premier League ka dhaliyey naadiga West Bromwich Albion, ka hor inta aan dhaawac muruqa ah lagu saarin, macallin Mikel Arteta ayaa qiray inuusan garanayn in dhaawacan uu yahay mid halis ah iyo inkale.

Martin Odegaard waa inuu ku soo laabtaa booska 10-aad ee Kooxda ka dhisan Galbeedka London, halka Gabriel Martinelli uu ku dhibtooday inuu ka horyimaado Baggies, waxaana laga yaabaa inuu seego kulankan, iyadoo uu taam yahay markale weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Nicolas Pepe iyo Willian ayaa labaduba shabaqa soo taabteen kulankii Axaddii ay 3-1 ku adkaadeen, laakiin kan dambe ayaa laga yaabaa inuu booskiisa safka hore ee kulankan ku waayo gacmaha Pierre-Emerick Aubameyang, kaasoo la filayo inuu dib ugu soo laaban doono safka hore ee Gunners kulankan.

Thomas Partey ayaa sidoo kale beddel ku soo galay kulankii West Brom, sidaas darteed waa inuu ku soo laabtaa safka hore, laakiin Granit Xhaka ayaa weli la maqan dhaawac gumaarka ah.

Xhaka waxaa kula wehliya qolka daaweynta kooxda Arsenal David Luiz oo dhaawac muruqa ah qaba iyo Pablo Mari sheeganaya dhaawac canqowga ah, taasoo la micno ah in Rob Holding iyo Gabriel Magalhaes ay qarka u saaran yihiin inay markale difaaca wadaagaan.

Bukayo Saka ayaa u muuqda mid u baahan nasasho, sidaas darteed waxaa laga yaabaa in halkaan lagu siiyo nasasho, maadaama Kieran Tierney uu ku soo laabtay daafaca bidix, halka Calum Chambers uu rajeynayo inuu garabka midig markale ku garaaco Hector Bellerin iyo Cedric Soares.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shaxda ay ku soo geli karto Arsenal kula London Derby ee ay wajahayaan Chelsea:-

Arsenal XI: Leno; Chambers, Holding, Gabriel, Tierney; Partey, Elneny; Pepe, Odegaard, Aubameyang; Lacazette.