Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Maanta daah furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha Dalka ayaa sheegay in XFS ay ka go’an tahay dhiirrigelinta wax soo saarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro isku filnaasho cunto.
Mudane Xamsa oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah dhallinyaradii hal abuurkooda ku soo bandhigay madasha shirweynaha, ayaa ku dhiirigeliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan barashada cilmiga la xiriira beeraha, si loo helo jiil u carbisan wax soo saarka dalkooda.
Xasan Maxmaed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya