Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda ee Dowladda Jubbaland ayaa qabatay shirweyne muhiim ah oo looga hadlayay ka hortagga xaalufinta deegaanka. Shirkan oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda, ayaa si gaar ah loogu lafaguray doorka odayaasha dhaqanka ee ilaalinta deegaanka, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.
Ka qaybgalayaasha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga, xildhibaanno, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Maamulka Degmada Kismaayo, Odayaasha dhaqanka, iyo Ururo kala duwan oo ka shaqeeya ilaalinta deegaanka.
Xasan Maxamed Cabdullaah.ayaa kawaramaya