Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay shir waynaha sadexaad ee hormarka cafimaadka ee hiiliye oo ay ka soo qeyb galeen wasiiro iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka fadaraalka soomaliya, xaruumaha bixiya adeegyada caafimaadka ee isbitaalada waawayn, baarayaal caafimaad iyo marti sharaf kale
Madasha ayaa waxa lagu soo bandhigay hormarka caafimaad ee dalka iyo caqabadaha ku gadaaman, baahida caafimaad tala soojeedin iyo sida uu noqonayo hanaanka caafimaad ee dalka sanadka soo socda
Cabdifatax Aaalos oo ah gudomiyaha hiiliye health forum ayaa sheegay in madashan ay door ka qaadan doonto in la abuuro isdhaxgal caafimaadka iyo in la ogaado horumarka caafimaadka dalka.
Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixitan ku eegaya