Shirwaynaha Maalgashiga Dhaqaalaha buluuga Jubbaland oo Kismaayo ka furmay.

0
141
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dawladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa daah furay Shirweynaha Bandhigga Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubbaland.
Shirkan, oo ah mid sanadle ah, ayaa sannadkan hal-ku-dhig looga dhigay: “Ka Faa’iidaysiga Dhaqaalaha Buluugga Jubbaland.”
Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubbaland, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo heli lahaa Maalgashi Caalami ah iyo mid maxalli ah oo lagu horumarinayo khayraadka hodanka ah ee Badaha Jubbaland.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya