Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominaya kulankan ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka geeska Afrika oo sanadkani ay Dowladda Soomaaliya shir-guddoon ka tahay, kaas oo maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in hirgalinta qorshayaasha casriga ah ee hannaanka dhijitaalka ah uu qeyb wayn ka qaadan karo horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo isku xirnaanta dalalka geeska.
Kulankani ayaa diiradda lagu saarayaa sidii dalalka geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is-dhaxgalka adeegyada dhijitaalka ah (𝑫𝒊𝒈𝒊𝒕𝒂𝒍 𝑰𝒏𝒕𝒆𝒈𝒓𝒂𝒕𝒊𝒐𝒏 𝒊𝒏 𝒕𝒉𝒆 𝑯𝒐𝒓𝒏 𝒐𝒇 𝑨𝒇𝒓𝒊𝒄𝒂) oo muhiim u ah Bulshada Gobolka Geedka Afrika, maadaama dunida oo dhan ay la sii jaanqaadayso horumarka xiliga casriga ah oo lagu tartamayo hannaanka dhijitaalka.
Madashan Iskaashiga ah ayaa inta badan diiradda lagu saaraa sidii loo horumarin lahaa danaha iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Africa.