Shirkadda TikTok oo sameyneysa app-cusub xili Mareykanka uu doonayo inuu iibsado.

0
9
FILE - The icon for the video sharing TikTok app is seen on a smartphone, Feb. 28, 2023, in Marple Township, Pa. The state of Montana is asking a federal judge to allow its ban on downloading TikTok to take effect in January, even though the company argues it violates free speech rights. The state argues there are other apps that people can use to communicate with each other that don't include the risk of sharing data with the Chinese government. The company and content creators had asked the judge to temporarily block the law from taking effect while their legal challenge plays out. (AP Photo/Matt Slocum, File)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-TikTok ayaa la sheegay in ay qorsheynayso in ay sameyso app cusub oo loogu talagalay isticmaaleyaasha Mareykanka, ka hor inta aanay shirkadda qayb kamid ah laga iibin maalgeliyeyaasha Mareykanka.

Arrintaas oo ku saleysan go’aanka dowladda Mareykanka ee ah in la iibsado ama la xiro app-ka, sida ay werisay Reuters oo xogtan ka soo xigatay ilo aan la magacaabin.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in uu bilaabi doono inuu Shiinaha kala hadlo heshiis suurtagal ah oo TikTok ku saabsan.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale shaacisay in la gaaray heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan iibka app-ka muuqaalada gaa-gaaban ee TikTok.

TikTok ayaa soo saartay qorshe ay app-ka cusub ku daah-fureyso dukaamada app-ka Mareykanka 5-ta Sebtembar, sida lagu sheegay warbixinta.