Shirkadda Nadaafadda Jubba Dhoobley oo fursado shaqo abuur dhalinyaro badan.

0
34

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay in ay Tahay Degmada ayaa waxaa ay si dar darlee ugu talaabsaneysay Horumaro kala duwan taasi oo suurtagalisay in ay Shirkado badan ka shaqo bilaabaan.

Shirkadahan ku soo batay ayaa dhan kale Shaqo abuur u sameeyay Dhalinyaro badan oo markii hore Shaqo la’aan ahaa.

Shirkadda Nadaafadda Jubba waa Shirkada kali ah ee xiligan ka howlgasha Degmada Dhoobley islamarkaana ka shaqeysa Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Degmada iyadoona fursado Shaqo u abuurtay Dhalinyaro badan.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa warbixintan ku eegaya