Shirkadda Facebook oo magaca iska baddashay

0
311

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay iska baddashay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta, tallaabadaas oo qayb ka ah isbaddal weyn oo lagu sameynayo shirkaddan.Waxaa sidooda ahaan doona adeegyada Facebook, Instagram iyo WhatsApp balse shirkadda wayn ee ay hoos imaadaan oo markii hore xitaa dusha sare ka ahayd Facebook ayaa loo yeelay magaca cusub.

Maamulka shirkaddan ayaa sheegay inay “sii badinayaan” waxa uu magacooda ka dhigan yahay marka loo eego adeegyada ay qabtaan, kuwaasoo ka gudbay baraha bulshada oo hadda gaaray meelo kale sida muuqaallada qalabka indhaha la isu galiyo.Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook oo lagu saleeyay dukumiintiyo uu soo dusiyay nin horay uga tirsanaa shaqaalaheeda.Frances Haugen ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay “badbaadada ka hormariso sidii ay dhaqaale ku heli lahayd”.

Sanadkii 2015-kii waxaa sidan oo kale magaca looga baddalay shirkadda Google oo loo bixiyay Alphabet, hase yeeshee, magacaas cusub ayaan meeshiisa laga qaadin, ilaa haddana lalama qabsanin.Arrintan ayaa kusoo aadday xilli horaantii bishan October ay cillad ku timid adeegyada Facebook oo mar qura hawada ka baxay meelo badan oo ka mid ah dunida. Dhowr saacadood ayay Facebook hawada ka maqneyd waxaana ka dhashay saameyn aad u ballaaran oo isugu jirta dhinaca isgaarsiinta iyo dhaqaalaha.

Ma ahayn oo kaliya in bogga hoos u dhacay, balse dhammaan raadadkiisii ​​ayaa meesha ka baxay. Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda ayaa xitaa laga xannibay xarunteeda inay galeen maadama kaararkii lagu geliyay ee qaabka dijitaalka u shaqeynayay ay fadhiisteen.Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaan durba aragnay mowjado warar aan wanaagsnayn oo ku saabsan Facebook iyo sida ay wax kasta uga hormaisay danaha macaash ee shirkadda.

Oktoobar 4 ayay hawada kawada baxeen Facebook, Instagram, iyo WhatsApp islamarkana hawada ka maqnaayeen in ka badan shan saacadood.In kasta oo maalintaas ay cadaab u ahayd qof kasta oo adeegsada WhatsApp si uu ula xiriiro qoysaska iyo asxaabta, Mark Zuckerberg waxaa laga yaabaa inuu lumiyey dhowr bilyan oo doollar, laakiin dadka caadiga qaar ayaa sheegay inay u maleeyeen inay marayaan sagaashameeyadii.