Shirkadda Diyaaradaha Kenya oo Bilaabaysa Duulimaadyo ay Ku Tageyso Muqdisho

0
172

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeeda tooska ah ee Muqdisho kadib dhowr sano oo ay hakad galeen.

Waxay sheegtay shirkaddu inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeeda tooska ah Muqdisho dib u bilaabi doonto bisha febraayo ee sannadka 2024, iyada oo ku bilaabaysa saddex duulimaad toddobaadkiiba.

Julius Thairu, oo ah Madaxa Ganacsiga iyo Macmiilka ee Kenya Airways, ayaa yiri, “Waxaan aad ugu xiisayneynaa suurtagalnimada in dib loo yagleelo xiriirkii Muqdisho iyo Nairobi iyada oo loo marayo Shirkadda diyaaradaha ee Kenya (KQ).

Talaabadan ayaa la xiriirta ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada Kenya iyo Soomaaliya. Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, anagoo ka wada shaqaynayna sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.”

Shirkaddu waxay barteeda X kusoo qortay in qiimaha duulimaadku ka bilaabanayo $420 doolar.

Tan ayaa kusoo aadaysa maalmo uun kadib markii ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.