Shirkadda Apple oo kordhisay qiimaha taleefoonnada IPhone-ka.

0
13

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-IPhone-nada ay soo saarto shirkadda Apple ayaa ku kici kara qiimo aad u sareeya kadib markii cashuuraha cusub ee uu Madaxweyne Donald Trump saaray badeecadaha laga soo dhoofiyo Shiinaha. Canshuurahan ayaa sababi kara in qiimaha iPhone-ka uu kordho ilaa 43%.

Tusaale ahaan, nooca cusub ee iPhone 16 Pro Max, oo hadda qiimihiisu yahay $1,599, wuxuu gaashi karaa ilaa $2,300 haddii Apple ay kordhiso qiimaha si ay uga soo kabato cashuuraha.

Qimaha iPhone-ka ee ugu hooseeya ayaa sidoo kale kordhi kara ilaa $1,142, iyadoo la filayo in uu korodho 43%. Korodhka qiimaha ayaa wuxuu keeni kartaa in macaamiisha Maraykanku ay la kulmaan qiimo sare oo ku yimaada taleefannadooda.

Xaaladdan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta suuqa, iyadoo Samsung ay ka faa’ideysan karto sababta oo ah cashuurta hoosaysa ee Koonfurta Kuuriya. Sidaas darteed, tartanka ayaa sii kordhi kara haddii qiimaha iPhone-ka uu sare u kaco.

Tani waxay hoos u dhigi kartaa baahida macaamiisha ee iPhone-ka, taas oo ka dhigi karta shirkaddu mid la wajahda dhibaatooyin dhaqaale.