Shirkadaha diyaaradaha Nigeria oo ka noqday go’aan shaqo joojin ahaa

0
200

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadaha diyaaradaha ee Nigeria ayaa sheegay in ay ka noqdeen qorshe ay markii hore ku damacsanaayeen in ay ku joojiyaan duulimaadyada gudaha Isniintan arintaas oo ay kaga cabanaysay qiimaha shidaalka oo aad u kacay.

Qiimaha shidaalka ayaa sannadkan afar laab kordhay , taasina waa wax aanaan ku sii shaqayn karin ayaa lagu yidhi war saxaafadeed ka soo baxay ururka ay ku bahoobeen shirkadaha diyaarada Nigeria

Kordhkaa qiimaha waxyaabaha u sababta ah waxa u weyn dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine dabayaaqadii February.

Laakiin shirkaduhu waxay sheegeen in haatan duulimaadyadii guduhu socon doonaan inta ay socdaan wadahadallada ay xukuumadda la leedahay.

Arintan ayaa timid cadaaadis kaga yimid xagga xukuumadda ah iyo ururada ilaalinta xuquuqda macaamiisha kaas oo ku qasbay in ay ka noqoto go’aankeedii hore ee u qorshaysnaa ee ay sheegtay Jimcihii.

Go’aankan ayaa aad u farxad geliyey kumanaan qof oo tigidhadu u go’naayeen, laakiin ilaa hadda macadda in shirkadhaas iyo xukuumadda Nigeria ay xal waara ku gaadhi doonaan wadaxaajoodkaa u socda.

Ururka AON ee ay ku midaysan yihiin sagaal shirkadood ayaa waxyaabaha ay ka cabanayaan waxa ka mid ah in aanay wax kab ah ka helin xukuumadda afartii bilood ee u dambeeyey.

Waxa jirtay in duulimaadyo badan la baajinayey mararka qaarkoodna dib u dhac weyni dhacay tan yo bishii Maarij, arintaana waxa ugu weyn ee loo dacal saarayey waxay ahayd shidaalka oo yaraaday. Qiimaha tidhigda ayaa sidoo kale saddex laabmay todobaadadii u dambeeyey.

Rakaabka Nayjeeriya ayaa qiimaha lagu raaco ku bixiyaa naira, lacagta maxaliga ah ee qiimaheedu hoos u dhacay. Si kastaba ha ahaatee, alaab-qeybiyeyaasha shidaalka waxay u baahan yihiin in lagu bixiyo doolarka Maraykanka.

In kasta oo ay Nigeria tahay dalka ugu badan ee soo saara saliidda, haddana Nayjeeriya waxa ay soo dejisaa ku dhawaad dhammaan shidaalkeeda diyaaradda.

Duulimaadyada ayaa inta badan ah dookhyada safarka ee maalmahan kuwa awoodi kara sababtoo ah amni darada ka jirta wadooyinka dalka.

Kooxaha afduubka geystay ayaa ka howlgala waddooyinka waaweyn, iyagoo beegsada gaadiidka, kadibna ay afduubtaan dadka rakaabka ah ee ay madaxfurasho ka qaataan.