Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka sare ee shirkada buraarug oo ah shirkad ka shaqeeneysay 4tii sano ee lasoo dhaafay soo dajinta badeecadaha iyo alaabaha kala duwan ee laga soo dajiyo Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in dhawaan ay bilaaban doonto maalgashiga iyo saamiga dadka daneynayo inay saami ku yeeshaan dhismaha Takada Degmada Hobyo.
Agaasimaha guud ee shirkada buraarug bashiir sheikh maxamud ayaa sheegay in kadib markii ay sameeyeen daraasad heer caalami ah oo ay ka kaashadeen laba shirkadood oo laga kala leeyahay turkiga iyo Netherland kuna xeeldheer dhismaha Takadaha ay tilmaameen in hobyo ay tahay halka ugu mudan in takad laga sameeyo.
Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya