Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadda bixisa adeegyada isgaarsiinta ee Maraykanka ee AT&T ayaa sheegtay in la dusiyay xogaha shakhsiyeed ee macaamiil hore iyo kuwa ay hadda u adeegto oo gaaraya 73 milyan oo qof.
Sida shirkadda laga soo xigtay macluumaadkan waxaa ka mid ah nambarrada lagu aqoonsado muwaadiniinta Maraykanka iyo dadka kale ee halkaasi deggan ee loo yaqaano Social Security numbers (SSNs).
Arrinkan ayay shirkadda oo ah midda ugu wayn ee isgaarsiinta ee Maraykanka ku sheegtay bayaan ay shalay soo saartay.
Macaaiisha ay dhibaatadan saameysay ayaa isugu jiro 7.6 milyan oo wakhti xaadirkan u diiwaangashan shirkadda iyo 65.4 miilyan oo kuwo hore ah.
Ilaa iyo hadda ma cadda in macluumaadka macaamiisha laga dusiyay gudaha shirkadda AT&T ama kuwa kale ee la shaqeeya.