Shirka xoojinta Iskaashiga Ururka EAC oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

0
80

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee 2024 ayaa markii ugu horeysay ka qabsoomay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirro ka tirsan xukuumadda, Safiirro, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha dalka, mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.

Wasiirada Wasaaradaha Arimaha dibada, Waxbarashada, Boostada iyo Technology-yada ee XFS ayaa Shirka ka jeediyay Khudabado ay ku soo bandhigeen Muhiimada iyo Fursadaha kale ay Soomaaliya u ledahay ku biirida Dalada Bulshada Bariga Afrika iyo shirkan oo markii ugu horeysay lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya