Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirka Wasaaradaha Ganacsiga heer Federaal iyo kuwa Dowlad-goboleedyada dalka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo dardargelin lahaa Xeerka Ganacsiga iyo bixinta shatiyada, si horumar ballaaran looga gaaro dhanka ganacsiga dalka.
Shirka waxaa goob joog ka ah wasiirrada wasaaradaha ganacsiga ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Khaatumo.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya