Shirka Wax ka qabashada Shuban biyood ka dilaacay Buur-hakaba oo Baydhabo ka dhacay.

0
73

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka KGS ayaa qabatay Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) oo looga hadlayey Dardar gelinta Kaalmada Bani’aadanimo ee la gaarsiiyey Deegaanada Koonfur Galbeed, kulankaas oo ka dhacay Xarunta Cusub Wasaaradda ee Magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Kgs Mudane Wasiir Cabdinasir Cabdi Arush ayaa Gudoomiyey Shirka Todobaadlaha ee isku xirka Arimaha Macaawinada oo lagu soo bandhigay Qorshaha yaraynta iyo Maareynta Arimaha Masiibooyinka iyo sidii wax looga qaban lahaa shuban biyoodka ka dilaacay Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa