Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS ayaa Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobalka Baay ka furtay shirka wadatashiga tayeynta iyo maareeynta Biyaha Soomaaliya 5-ta ee sano ee soo socota.
mudada uu Shirkan socdo waxaa ka qeyb gali doona Wakiilo kala socda Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleeed waxaa sido kale Shirkan qeyb ka ah Wakiilo ka socda Hay’adda FAO.
Furitaanka Shirka waxaa ka hadlay Islamarkaana fah-faahiyay Qorshayaasha looga hadli doono Jilaani Cabdullaahi Xaaji Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha KGS.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawarmaya