Shirka Wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Jubbaland oo Kismaayo ka furmay.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirka Wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Dowladda Jubbaland oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland iyo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Kismaayo.

Shirka oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Mohamed-wali Ali, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socda Wasaaradda Qorshaynta XFS oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka mudane Muuse Maxamed Cismaan, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Jubbaland, Maamulka Gobolka Jubbada Hoose iyo kan Degmada Kismaayo, Bahda Garoorka, Masuuliyiin ka socday Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo Marti sharaf kale.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa fah-faahinaya