Shirka wadatashiga guddoomiyasha degmooyinka gobolka Hiiraan oo ka furmay Baladweyne.

0
246

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa magaalada Baladweyne ka daah furay shir wadatashi ah oo socon doonaa muddo shan maalmood ah islamarkana u dhaxeeya guddoomiyasha degmooyinka gobolka Hiiraan.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya arrimaha ammaanka, dib u heshiisinta, xal u helida axyaxa dhibaatada ku haya beeraha gobolka, iyo sidii iskaashi u dhaxmari lahaa guddoomiyayasha degmooyinka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in qodobada looga hadlayo shirkan ay noqdan kuwa mira dhala.

“ Maanta waxaa noo furnay shir socon doonaa muddo shan maalmood ah oo u dhexeeya guddoomiyasha degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaa laga wada tashanaya arrimaha ammaanka, dib u heshisiinta iyo sidii xal loogu heli lahaa ayaxa waxyeelada u geysanaya dalagyada beeraha, dad badan oo beeraley ah ayaa maanta khasaaro soo gaaray oo waxba heysan marka dhamaan dalagyadii oo dhan ayuu cunay, marka arrimahaas waxaan rajeyneynaa in mudada uu socdo inay ka soo baxan qodobo wax ku ool ah.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiyasha shirkan ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha degmada Baladweyne Cismaan dhicisow dhuubow, guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof (Dabashe), guddoomiyaha degmada Buula burde Feysal Haajir Aadan, halka degmooyinka kale ee gobolka ay ka socdeen guddoomiye ku xigeeno.