Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

0
28

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka (National Development Council) ayaa shalay oo Axad ah lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Golaha Horumarinta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene). Waxaa sido kale ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Axmed Cali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Nuur Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, Agaasimyaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta, iyo la taliye-yaal sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee Golaha Horumarinta Qaranka uu hayo iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada horumarineed ee dalka oo dhan.

Golaha Horumarinta Qaranka waxa uu ka kooban yahay Wasaaradaha Qorsheynta ee labada heer ee Dowladda (Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada dalka), taas oo sare u qaadaysa wada shaqeynta iyo horumarinta qorsheyaasha dalka.