Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku xigeenka, ahna ku simaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ay hirgelisay.
Madashaan waxaa ku kulmay Masuuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya