Shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta lagu qabtay Magaalada Dhoobley.

0
176

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan qaybna ay ka ahaayeen Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud xubno ka tirsan golaha wasiiradda Jubaland ayaa maanta soo gaaray Magaalada Dhoobley.

Masuuliyiinta ayaa Magaaladaa waxaa kuso dhaweeyay maamulka Magaalada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan soo dhaweyn kadib waxaa masuuliyiinta loo gudbiyey hoolka shirarka ee Magaalada halkaas oo ay Wasiirada Jubaland maanta ku qabsadeen shirkii khamiis laha ee ay wasiiradu qabsan jireen waana marki ugu horeysay ee dhoobley golaha wasiiradu ay ku qabsadaan shirkooda isbuuclaha
Kulankan oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa looga dooday qodobo dhowr ah, waxayna goluhu cod gacan taag ah ku ansixiyeen magaalooyinka Dhooblay iyo Buurdhuubo oo hadda kadib ka mid noqonaya degmooyinka rasmiga ah ee Jubbaland.
Waa markii ugu horaysay oo Degmada Dhoobley lagu qabto shirka golaha wadiirada dowlad goboleedka Jubbaland.
Ugu danbeyntii waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan oo faahfaahin dheeri ka bixiyay shirkii ay wasiiradu ku qabsadeen Dhoobley iyo safarkii ay ku yimaadeen Degmada Dhoobley.