Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta dowlad Goboleed & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Sabtidii shalay ayuu qorsuhu ahaa in uu shirkaasi furmo balse sabao la xiriira Madaxda dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka maqnaa, ayuu u baaqday hayeeshee waxaa haatan ku sugan Madaxweynayaasha maamulada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Puntland, waxaana war kasoo baxay Hir-Shabeelle lagu sheegay in shirkaasi qeyb ka aheyn.
Shirka oo uu guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka, howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo caqabadaha la gudboon heshiiskii doorasho.