Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan boqol hoggaamiye oo ka kala socda dunida ayaa ku kulansan magaalada Glasgow ee xarunta Scotland ee dalka UK halkaas oo uu Isniintii uga furmay Shirka Cimillada Adduunka.
Shirkan oo ah kii 26-aad ee ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha dunida ayaa lagu wadaa in ay ku saxiixaan axdi lagu joojinayo jarista dhirta halka loo gaaro 2030-ka.
Brazil oo jartay dhirtii ku tiillay dhulka roobabka badan ee loo yaqaanno Amazon ayaa kamid ah dalalka axdigan qalinka ku duugi doona Talaadad maanta ah.
Maalgelinta Axdigan ayaa loo qoondeeyay lacag dhan 19 bilyan oo dollar.
Khubarada arrimahan ku lugta leh ayaa soo dhaweeyay tallaabadan waxayna boorriyeen in laga dhabeeyo dhaqan gelinta heshiiskan sidoo kalena waxay ka digeen in hshiiskan uu la mid noqdo midkii la gaaray 2014-kii.
Jarista dhirta ayaa qeyb lixaad leh ka qaadatay isbeddelka cimillada dunida oo haatan ka sii dareysa.
Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyey ku sheegay in xaaladda isbeddelka cimilada ay halkii ugu xumeyd mareyso, waxaana uu ku matalay bam la fili karo in uu qarxo taas oo kow u noqon doonta dhammaadka adduunka haddii aan caalmaku si dhakhso ah wax uga qaban.
Boris ayaa u sheegay madaxda iyo waftida kulanka kasoo qayb gashay in xaaladu cakiran tahay isbeddelka cimiladuna aanu ahayn khiyaali ee uu yahay khatar dhan ah oo jirta.