Shirka Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS ayaa markii ugu horreysay ku qabatay magaalada Muqdisho Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliya iyo Horumarintooda, iyadoo la adeegsanayo farsamo casriya iyo xal waara.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo bandhiggan ku csuumay daneeyayaasha, saamileeyda beeraha, Bankiyada iyo shirkadaha ganacsiga ayaa sheegay in dulucda bandhiggu uu yahay horumarinta beeraha iyadoo la adeegsanayo Teknolojiyadda casriga ah, hal abuur iyo xal waara, taas oo lagu dhiirri gelinayo beeraleyda Soomaaliyeed.

Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliyeed oo markiisii ugu horaysay dalka lagu qabtay sanaddan 2022 ayaa lagu wadaa in berrito lasoo gabagabeeyo.