Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirka ansixinta hindisa siyaasadeedka badqabka cuntada oo ah hindisa muhiim u ah badqabka cuntada.
Daah furka shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka kaluumrysiga iyo dhaqaalaha Baluuga, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, xubno ka socday Dowlad Goboleedyada, Ganacsato iyo Hay’adaha ka shaqeeya arimaha cuntada .