Shir loogaga hadlayay cadaaladda iyo asluubta oo lagu qabtay Muqdisho.

0
61

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa waxaa Maanta laga daah furay Barnaamijka Cadaalada iyo Asluubta oo ay soo agaasintay Wasaaradda Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka XFS.

Daah furka Barnaamijkan ayaa loogaga hadalayay baahinta Cadaalada iyo Garsoorka iyo sido kale qaababka loo baahan yahay in lagula dhaqmo Dadka Maxaabiista ah ee xabsiyada ku jira.

waxaa kulankan goob joog ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Wasiirka Wasaradda Cadaalada iyo Garsoorka Wasiirka Arimaha Gudaha Wasiirka Qorsheynta Wasiirada Wasaaraddaha Cadaalada iyo Garsoorka Dowlad goboleedyada Dalka iyo Safiiro iyo Masuuliyiin kale.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya