Shir looga hadlayey mushruuca nidaamka sugnaanta cuntada Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo.

0
132

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta Ka furmay shir looga hadlaayey Mashruuca Nidaamka Sugnaanta Cuntada Soomaaliya oo u dhaxeeyey Wasaaradaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha heer Federaal iyo heer Jubbaland.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Federalka iyo Jubbaland, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland, Wasiir ku-xigeeno, Agaasimeyaal guud iyo qaar ka mid ah hawl wadeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa guray Mashruuca Nidaamka Sugnaanta Cuntada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa fah-faahinaya