Shir lagusoo bandhigayey qiimeyn lagu sameeyey khasaarihii El-Niño oo Muqdisho lagu qabtay.

0
90

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shir lagu soo bandhigayey warbixino ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay fatahaadihii iyo Daadadkii El-Niño ee sanadkii hore ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

Shirkan ayaa inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay saameyntii fatahaadahii elnino ee sanadkii hore.

Gudomiyaha hey’ada maareynta musiibooyiinka qaranka ee sodma ayaa faah faahin kabixiyay saameyntii sanadkii hore ee fatahaadii elnino.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka soo xiray ayaa tilmaamay in dfs ay dajisay qorshayaal waaweyn oo ay uga hortageyso xaaladaha noocan oo kale ah.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya