Shir ku saabsan saameynta bulsho ee daadaka ka dhashay oo lagu qabtay Magaalada kismaayo.

0
128

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa qabatay kulan looga hadlayay fatahaadaha iyo daadadka saameeyay Jubbaland.

Shirkan oo ay soo qabanqabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland ayaa waxa ka soo qeybgalay Hay’adaha Wasaaradda bahwadaagta la ah iyo sidoo kale xubno ka socday Wasaaradaha Beeraha, Caafimaadka, Biyaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Howlaha Guud iyo xubno ka socday Hay’dda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA, waxaana lagaga hadlayay xaaladihii u dambeeyey ee daadadka iyo fatahaadaha, iyo sidoo kale saamaynta bulsho ee xaaladahaasi ka dhashay.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawaramaya