Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari

0
197

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay  inta u dhexaysa Tuulooyinka laas Barwaaqo iyo Kunaso oo hoostaga Degmada Carmo Ee Gobolka Bari.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Hoomeey ah iyo Gaari kale oo nooca raaxada ah, waxaana shilkaasi Isbitaalka Magaalada Carmo ugu dhintay hal ruux oo dhaawac culus uu kasoo gaaray shilka halka 6 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Goobta shilka uu ka dhacay ay tageen Ciidamada Booliska degmada Carmo iyo dad Shacab ah, kuwaas oo u gurmaday dadka Shilka ku dhaawacmay, iyaga oo geeyay Isbitaalka Magaalada Carmo ee Gobolka Bari.

labada Gaari ee shilka galay oo mid ka yimid dhinaca Magaaalada Boosaaso midna uu kusii jeeday Magaalada Boosaaso ayaa waxaa gaaray burbur xoogan maadaama si awood ah ay isugu dhaceen.

labadii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland kubatay shilalka Gaari, iyada oo ay ku dhinteen dad u badan Dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood u Shaqeeynayay dowlad Goboleedka Puntland.