Shil geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay degaano ka tirsan Soomaliland

0
496

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shilkan oo ah mid gaari ayaa waxaa uu maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Lafaruug iyo Abdaal oo ka tirsan gobolka Saaxil ee degaannada Soomaliland, waxaana shilkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Bas yar oo nooca rakaabka qaada ah iyo Iskarogo isku dhaceen, waxaana shilkaas ku dhintay hal ruux halka 14 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ahaa kuwa gaariga saarnaa.

Degaannada Soomaaliland ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay kusoo batay shilalka Gaari, iyada oo taasi loo aaneynayo wadooyinka qaarkood oo ah kuwo burbursan.