Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa aad uso badanayey xiliyadii u danbeysay shilalka ka dhaca Wadooyinka waaweyn ee isku xira Magaalooyinka dalka iyo kuwa aada wadanka aan jaarka nahay ee kenya.
Galabta ayaa waxaa u shil gaari ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada dhajabuula iyo deegaanka garaska wadadan uu shilku ka dhacay waxa ay qaybisaa xadka u dhaxeeya dalkeeena Soomaaliya iyo Wadanka kenya.
Gawaridan shilka galay oo ah nooca loo yaqaano saksiidhka kuwaa oo inta badan ka shaqeeya deegaanada ku teedsan xadka kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa soo gaaray dadkii saarna dhaawac iyo dhimasho.
Tirade dhaawaca ah ayaa lagu sheegey inay dhantahay ilaa lix qof halka uu geeriyooday hal qof oo kamid ah dadkii saarnaa gawaarida shilka ku galay inta u dhaxeysa dhajabuula iyo deegaanka garaska.
Dadkii dhaawaca soo gaaray ayaa ugu danbeyntii la gaarsiiyey Isbitaalka dhajabuula ma jiraan warar dheeraad ah oo kaso baxay shilkan galabta dhacay.