Shiinaha oo ku dhawaaqay tallaabo aargoosi ah iyadoo canshuuraha Trump ay dhaqan galayso

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay in ay canshuuro aargoosi ah ku soo rogi doonto alaabaha Mareykanka.

Tallaabooyinka liddiga ku ah waxa ka mid ah 15% cashuurta dhuxusha iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee laga keeno Maraykanka.

Saliida ceyriinka, makiinadaha beeraha, gawaarida xamuulka qaada iyo gawaarida waaweyn ayaa la saarayaa 10% oo canshuur ah.

Ku dhawaaqista ayaa timid wax yar ka dib markii ay dhaqan gashay canshuurtii uu Donald Trump ku soo rogay Shiinaha taas oo ahayd 10%.