Shiinaha oo cashuuro aargoosi ah ku soo rogay Maraykanka

0
21

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dalka Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in uu canshuuro aargoosi ah oo gaadhaya 84% ku soo rogay dhammaan badeecooyinka laga keeno Maraykanka, taasi oo sii hurinaysa dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Beijing iyo Washington.

Arrintani ayaa timid kadib markii Madaxweyne Trump uu hore cashuuro dhan 104% u saaray alaabaha Shiinaha laga keeno – balse wuxuu mar dambe kordhiyay ilaa 125%, isagoo ku sababeeyay “ixtiraam la’aan” uu sheegay in Shiinuhu muujiyay.

Trump ayaa hakiyay cashuuraha heerkoodu sarreeyo ee la saari lahaa dalal kale, hase yeeshee wuxuu sheegay in “cashuur guud oo 10%” ah lagu soo rogi doono dhammaan waddamada.

Suuqyada maaliyadeed ee Aasiya ayaa kor u kac weyn sameeyay kaddib markii la shaaciyay in dalalka qaar laga dhaafay cashuuraha faraha badan ee hire u saarnaa, iyadoo khabiir dhaqaale u uku sifeeyay in suuqyada gobolka Aasiya uu go’aankani nafis u yahay.

Dhinaca Maraykanka, suuqa Wall Street ayaa guulo taariikhi ah laga diwaangeliyay Arbacadii, kaddib maalmo uu jahawareer ku jiray dhaqaalaha Maraykanku.

Trump oo ka hadlayay munaasibad ka dhacday Aqalka Cad ayaa ku adkeystay in “heshiisyo cadaalad ku dhisan” lala geli doono Shiinaha iyo dhammaan waddamada caalamka.