Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shiinaha iyo Canada ayaa labaduba cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Trump uu kusoo rogay canshuuraha cusub ilaa toddobaatan dal oo kamid ah caalamka.
Ra’iisul wasaaraha Canada Mark Carney ayaa sheegay inuu ‘ka niyad jabay’. Kor u kac ku yimaada baddeecooyinka Canada oo kor uga kici doona labaatan iyo shan boqolkiiba iyada oo ay gaari doonaan ilaa soddon iyo shan boqolkiiba.
Afhayeen u hadlay Shiinaha ayaa sheegay canshuuraha cusub ay dhibaateeyeen dhammaan dhinacyada.
Canshuuraha cusub ayaa la filayaa inay dhaqan galaan Khamiista inagu soo fool leh, iyada oo albaabka u sii furaysa wadaxaajoodyo inta ka horaysa dhaqan galka.
Canshuuraha cusub ay ku kala duwan dalalka. Waxaa ay kasoo bilaabanayaan toban boqolkiiba iyaga oo gaaraya ilaa 41 boqolkiiba.






