Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
10

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxa la soo afjaray kulamadii 2-aad ee premier League iyada oo xiddigo badan wacdaro dhigeen todobaadkan.

Kooxaha Arsenal, Liverpool Iyo Tottenham ayaa ah kooxaha kaliya ee wada badiyay 2-dii kulan ee ilaa haatan la ciyaaray.

Arsenal ayaa xasuuqday kooxda Leeds United halka Tottenham garaacday kooxda Man City kulan xiiso lahaa.

Liverpool ayaa dhinaceeda guul wakhti dambe ka gaadhay kooxda Newcastle United iyaga oo sii watay rikoodhkooda guulaha.

Kadib kulamada todobaadka bbc Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

Kooxaha Everton, Tottenham, Arsenal Iyo Chelsea ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig kadib guulohoodii waaweynaa ee ay gaadheen.

Kooxaha Brentford, Burnley Iyo Newcastel ayaa dhinacooda shaxda ku leh min hal xiddig.