Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa laga yaabaa inay dib ugu soo celiso safka hore ee Savinho kulanka weyn ee Premier League ee ay la ciyaari doonaan Arsenal.
Laacibka reer Brazil ayaa ka caawiyay inay ka badiyaan kooxda Club Brugge Champions League habeenkii Arbacada.
Pep Guardiola ayaa ammaanay Savinho ka dib markii uu ka soo kacay kursiga keydka habeenkii Arbacada, isagoo dhaliyay goolkii seddexaad iyadoo City ay iska xaadirisay booskooda isreebreebka Champions League.
Tababaraha City ayaa sidoo kale heli doona saxiixyada cusub ee Vitor Reis, Omar Marmoush iyo Abdukodir Khusanov ka dib markii seddexda ciyaaryahan ay fadhiyeen kulankii Brugge madama ayna ka mid ahayn liiskii champions League.
Guardiola ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah ciyaartoyda City ee dhaawacan uusan soo laaban doonin, si kastaba ha ahaatee.
Shaxda Ay Man City kaga hor tagi karto Arsenal:
Ederson; Nunes, Stones, Akanji, Gvardiol; Silva, Kovacic, De Bruyne; Foden, Haaland, Savinho