Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Everton.

0
31

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka Heshay tababarka ka Hor Kulanka Everton.

Kooxda Slot ee Liverpool ayaa guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay Plymouth kulan naxdin leh oo wareega afaraad ee FA Cup axadii, haatanna waa inay si dhaqso ah isu dejiyaan ka hor safarka gaaban ee Stanley Park.

Trent Alexander-Arnold ayaa ku soo laaban kara Liverpool kulanka Everton, isagoo seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay dhaawac jilibka ah oo ka soo gaaray guushii ay ka gaareen Bournemouth bilowgii bishaan.

Waxa uu ku biiray tababarka isbuucaan, waxaana go’aanka ugu dambeeya ee taam ahaanshihiisa la qaadan doonaa kulanka ka Hor.

Daafaca kale ee England Joe Gomez, si kastaba ha ahaatee, kama ciyaari doono Reds kulanka Merseyside derby.

Gomez ayaa dhaawac ka soo gaaray xilli hore kulankii Plymouth isagoo ka soo laabtay dhaawac muruqa ah oo uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishii December, Slot ayaana qirtay inuu ka walaacsan yahay dhaawaca xiddiga.

Go’aan ayaa sidoo kale u baahan doona in la gaaro Curtis Jones, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku soo baxay kursiga keydka ee Home Park Axadda sababtoo dhaawac Soo gaadhay.

Si kastaba ha noqotee, Liverpool waxay awoodi doontaa inay wacdo inta badan ciyaartoydeeda joogtada ah iyagoo doonaya inay badiyaan.

Alisson Becker, Mohamed Salah, Virgil van Dijk, Alexis Mac Allister iyo Ryan Gravenberch ayaa dhamaantood la filayaa inay ku soo laabtaan safka hore ee Slot.

Shaxda ay Liverpool ku ciyaari karto kulanka Everton:

Alisson, Bradley, Konate, Van Dijk, Robertson, Mac Allister, Gravenberch, Szoboszlai, Salah, Gakpo, Nunez.