Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Arsenal ayaan wax walaac dhaawac cusub ah qabin ka hor kulanka ay booqanayso Liverpool.
Gunners ayaa ku wajahan Anfield usbuucan iyagoo raadinaya inay ka soo kabtaan ka bixista Champions League habeenka Arbacada.
Kooxda Mikel Arteta waxaa 2-1 ku garaacday Paris Saint-Germain caasimadda Faransiiska markii ay ka hartay tartanka heerka semi-finalka.
Arteta ayaa qirtay ciyaarta ka dib in qaar ka mid ah ciyaartoydiisa ay ilmeeyeen, ayna qasab ku tahay inuu kor u qaado kulankaan Liverpool.
Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League laakiin waxa baacsanaya kooxda Man City.
Ben White ayaa ku soo laaban kara shaxda isaga oo badali kara Jurrien Timber sidoo kale Leandro Trossard ayaa ku bilaaban kara garabka weerarka.
Shaxda Ay Arsenal kaga hor tagi karto Liverpool:
Raya; Timber, Saliba, Kiwior, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Saka, Merino, Martinelli